Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Soo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug, G/Sare Maxamed Daahir Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhusamareb oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga Taliye Xigeenka ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay saraakiisha iyo ciidamada Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug, kuwaas oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada mas’uuliyiinta sare ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Ujeedka safarka Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ah kormeerka xaaladda guud ee Ciidanka Boliiska Galmudug, qiimeynta howlaha ay hayaan, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga ciidamada ee ku aaddan sugidda amniga doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka qabsoomaan deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliye Xigeenka ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho saraakiisha ciidamada, maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga wada hadlo xoojinta amniga, kor u qaadista wada shaqeynta ciidamada iyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinka ay u dhacaan si nabad ah oo hufan.

Sarreeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa sidoo kale ciidamada ku dhiirrigelin doona inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka iyo xasiloonida guud ee deegaannada Galmudug, gaar ahaan xilliga doorashooyinka oo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo wada shaqeyn joogto ah.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso xoojinta amniga dalka, taageeridda dowlad goboleedyada, iyo hubinta in doorashooyinka la qorsheeyay ay ku dhacaan jawi nabdoon oo amni leh.