Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed, ayaa daahfuray tababar ku saabsan ka hortagga tacadiyada carruurta iyo haweenka, kaas oo ka socda Akademiyada S/Guuto Kaahiye. Tababarku waxa uu socon doonaa muddo kooban.
Taliyaha ayaa sheegay muhiimadda weyn ee ay leedahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan carruurta iyo haweenka, isagoo xusay baahida loo qabo in la helo xubno haween ah oo xirfadlayaal ah oo ka hawlgala saldhigyada iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee Ciinka Boliiska u xilsaaran yahay.
Taliyaha ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha tababarka — oo intooda badan ahaayeen xubno haween ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliiska in ay si hufan uga faa’iideystaan casharrada inta tababarka socdo, isla markaana ay aqoontaasi ugu faa’iideeyaan ciidanka inteeda kale.