Taliye yaal Ciidan iyo Wakiilka Qaramada Midoobey oo gaaray Gaalkacyo

Wafdi uu hoggaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Micheal Keating oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyeyaal ka tirsan ciidanka xoogga ayaa gaaray Gaalkacyo.

Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay maamulka gobolka Mudug, iyo ciidamada xoogga iyo Booliska ee ku sugan Gaalkacyo.

Waxa ay hadda kulamo kala duwan la leeyihiin Saraakiisha Ciidamada iyo maamulada Galmudug iyo Puntland oo gacanta ku haaya Gaalkacyo.

Sababta ugu weyn ee ay halkaasi u tageen ayaa ah hirgalinta iyo Adkeynta nabadda Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada hadda waxaa ka howlgalla Ciidamo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ay taageeraan.