Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM Oo Ka Shiraya Ka Bixitaankooda Soomaaliya

Ugandan peacekeepers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) patrol inside Banadir hospital in Somalia’s capital Mogadishu, August 20, 2011, where malnourished children are housed in the facility. Thousands of internally displaced people have been making the treacherous journey from the worst-hit drought areas, mostly under the control of rebels, to Mogadishu to seek access to food and medication. REUTERS/Ismail Taxta (SOMALIA – Tags: MILITARY DISASTER POLITICS HEALTH)

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in taliyeyaasha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay shir xasaasi ah ka yeeshaan Magalada Muqdisho kaas oo kaga hadli doonan qorshaha ka bixitaankooda  ee Soomaaliya.

Taliyeyaasha shirka yeelanaya ayaa ka kala socda wadamada ay Ciidamada ka joogan Soomaaliya oo kala ah, Uganda, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Burundi,waxana ay isla qorsheyn doonaan wajiga ugu dambeeya ee qorshaha AMISOM kaga baxeyso Soomaaliya.

Tan ayaa sida la sheegay waxa ay ka dambeysay kadib booqasho ay Soomaaliya ku yimaadeen Guddiga nabadda iyo amaanka Midowga Afrika,kuwaas oo qiimeyn ku sameynayay xaalada amni ee dalka.