Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan waddanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.
Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dal, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulankaan.
Dowladda Uganda ayaa ballan-qaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.
Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen. Wilson Mbadi ayaa si wada-jir ah u dul istaagay in la kordhiyo howl-gallada wada-jirka ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, oo si weyn loogu soo dhaweeyay wuxuuna kula kulmay saraakiisha Milateriga dalkaas.