Taliyihii Ciidamada Suudaanta Koofureed Oo Geeriyooday

Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah geeriyooday taliyahii Ciidanka xoogga Dalka General James Ajongo.

General James Ajongo, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, halkaas oo loo geeyay xanuun xagga wadnaha ah sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay xukuumaddu ku dhawaaqday Saddex Maalmood oo baroordiiq Qaran ah, iyadoo la muujinayo geerida Gen; James Ajongo, oo uu ku tilmaamay halyeey, waxaana hoos loo dhigi doonaa Calanka Koofurta Suudaan.

General Ajongo ayaa loo dallacsiiyay madaxa ciidanka xoogga Dalka Koonfurta Suudaan Bishii May 2017-kii, isaga oo beddelay taliyihii hore ee Paul Malong.

Gen; Ajongo ayaa ka mid ahaa jabhaddii  SLA (Sudan People’s Liberation Army) wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha Magaca iyo xushmadda ku leh Dalka Koofurta Suudaan.