Taliyihii Ciidanka Asluubta Oo sheegay in uu isagu dalbaday in xilka laga qaado

Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Xuseen Xasan Cusmaan ayaa waxa uu Maanta markii ugu horeysay ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Taliyaha ayaa sheegay in sababta xilka qaadistiisa ay isaga ka timid kadib markii uu ka dalbaday madaxda dalka in ay xilka ka qaadaan.

“Runtii xilka qaadistii leygu sameeyay madaxda dalka wax eed ah kuma laha waayo aniga ayaa dalbaday,waan daalay oo waan daalay,sidaas ayaan xilka uga degayaa hadana waxaana diyaar u ahay in aan xilka baneeyo oo taliyaha Cusub aan ku wareejiyo Maalinta Axada ah.

Hadalkaan ayaa taliyaha wax uu Maanta ka sheegay munaasabad lagu xusayay 48-guuradii ka soo wareegtay markii la’aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho.