Taliyihii hore Bashiir goobe oo Xil loo Magacaabay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa Taliyihii ee Ciidanka Asluubta loogu  magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha.

Todobaadkii la soo dhaafay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Bashiir Goobe ka qaaday Xilkii Taliyaha Ciidanka Astuubta dowladda,iyadoo loo magacaabay xilkaas Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska RW Kheyre.