Taliyihii hore Ciidamada darawish Puntland Oo ku geeriyoday Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa Maanta ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheikh Cusman Axmed oo ku magac dheeraa Cali Baadiye.

Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa ay ehelladiisa ay sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay uu  ku xanuunsanayay magaalada Addis Ababa,Isla markaana Maanta oo Arbaco ah uu geeriyooday.

S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed ayaa ka mid noqday Saraakiisha Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Taliyihii Ciidanka Daraawiishta xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse).

Sidoo kale Marxuumka ayaa wuxuu kamid ahaa saraakiishii Ciidamada Militariga Soomaaliya ee xilligii Dowladdii Kacaanka,waxaana markii dambe uu ku biiray Halgankii Badbaadada Shacabka Jabhaddii SSDF kaas oo looga horjeeday
Maxamed Siyaad Barre.