Taliyihii Nisa ee Gobolka Gedo oo lagu dilay Qarax miino oo lala eegtay.

Wararka an ka heleyno Gobolka Gedo, Waxaa qarax miino ah oo wadada dhineceeda la dhigay waxa ku geeriyooday taliyihii Nabad Sugida ee gobolka Gedo C/raxmaan C/llaahi oo ku magac dheeraa Bakaal Kooke.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa qabsaday gaari ciidan oo uu watay taliyaha oo ka soo ambabaxay Degmada Luuq waxa uuna Taliyihu ku sii jeeday Doolow ee isla Gobolka Gedo.

Qarax ka dib Waxa jiray israsaaseyn dhex martay Ciidamadii Diwlada ee Qarax loo dhigay iyo Kiixda Alshabaab, waxaana ka dhashay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee Nabad Sugida Degmooyinka Beledxaawo iyo Dooloow C/llaahi Kiniini oo la socday Allah ha u naxariistee marxuum Bakaal kooke

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan, ayaa Baraha internet ka ee ay Alshabaab ku leeyihiin ku faafiyey in howlgalkan uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, waxeyna tilmaameen in mudo ah ay ku daba jireen saraakiishan lala beegsaday qaraxa.

Allah ha u naxariistee marxuum C/raxmaan C/llaahi Bakaal Kooke, waxa uu sidoo kale soo ahaa shaqsigii uga wakiilka ahaa dhamaaan  gobolkasi Gedo ee dowladdii madaxweyne Farmaajo, xiligaasi oo ay gobolka ka jireen qulqulatooyin Siyaasadeed.