Tanzania oo ku guuleysatay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika

Waxaa soo dhammaaday kulankii Final-ka ee ka socday dalka Burundi, halkaas oo ay ku wada ciyaarayeen xulkeenna Soomaaliya iyo Tanzania Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 17-ka sano.

Xulka Tanzania ayaa ku guuleystay koobka kaddib markii uu 2-0 uga adkaaday xulkeenna Soomaaliya, kulan wiilasha xulkeenna uu samaayeey roob xoog leh oo ka da’ay garoonka iyo go’aanka garsooraha.

Wiilasha Tanzania ayaa ku adkaaday kulankan labo gool oo ay kala dhaliyeen labadii qeybood ee ciyaarta.

Bilowgii kulankan waxaa garoonka ka da’ay roob xoog leh oo sababay in daqiiqado la istaajiyo ciyaarta.

Markii dib loo bilaabay kulanka ayaa intii lagu guda jiray 45-ka daqiiqo ee hore waxaa xulkeenna gool ugu shubay Edeson oo ka tirsan Tanzania, kaddib markii uu ka faa’iideystay kubbad uu ka helay lambarka 10-aad ee xulkaas.

Wiilasheenna waxa ay isku dayeen inay goolkaas soo barbareeyaan laakiin waxaa sameeyey roobka, waxaana ay ahaayeen kuwo la qabsan waayey garoonka qoyan, sidaas oo ay tahayna waxa ay muujiyeen dadaal dheeraad ah.

Laakiin nasiib darro waxaa xulkeenna Soomaaliya laga dhaliyey goolka labaad, qeybtii dambe ee ciyaarta inkastoo wiilasheenna laga diiday gool ay dhaliyeen qeybta labaad sidoo kalena ay ku doodeen in rigoore laga diiday kulankan.

Si kastaba kulanka ayaa ku soo dhammaaday 2-0 oo loo adkaaday xulkeenna Soomaaliya, waxaana koobka CECAFA U-17 ku guuleystay xulka kulankan adkaaday ee Tanzania, halka wiilasheennu ay soo qaateen billada kaalinta labaad ee tartankan.