Tartanka Oradka Gaaban Oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho

Magalada Muqdisho waxaa ka socda tartanka Orodka Gaaban oo sanadkiiba mar la qabto,waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha  Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Dhalinyaro u tartamaya degmooyinka Gobolkaan Banaadir ayaa tartanka ka qeyb galaya,waxaana siwadjir ah u furay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin ka socda Maamulka gobolka Banaadir.

Tartanka Orodka ayaa waxaa uu kasoo bilaawday Isgoyska km4, waxaana ku egyahay Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Iyada oo tartamayaasha kaalmaha hore ka gala la siin doono amaal marino.

Mas’uuliyiina Wasaaradda Dhalinyarada iyo  Cayaaraha iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartamayaasha iyo dadka daawanayay intaba waxa ay kula hadlayaan Barxada Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.