Thierry Henry Oo Si Cad U Sheegay Inuu Xiiseenayo Inuu Noqdo Badalka Wenger Si Uu U Maamulo Arsenal, Kadib Guuldaradii Kooxda Man City Kaga Soo Gaadhay Finalka Carabao Cupka

Halyayga xulka France iyo kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa qirtay inuu xiiseenayo leylinta kooxda Gunners, kadib markii arintan wax laga weydiiyay, kadib guuldaradii 3-0 ahayd ee kooxda reer London kasoo gaadhay dhigeeda Manchester City kulankii fiinaclka Carabao Cupka.

Laacibkii hore kooxda Barcelona ee Thierry Henry ayaa siddeed sano kusoo qaatay Arsenal, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxda aan laga badinin sanadkii 2004-tii, waxayna ku guuleysteen horyaalka Premier League iyo koobka FA Cup.

 

Thierry Henry  ayaa kadib marka uu soo idlaaday kulankii Arsenal iyo Manchester City waxaa wax laga weydiiyay inuu doonayo in uu noqdo badalka Arsene Wenger  wuxuuna yidhi: “Dabcan waan xiiseynayaa tababarka Arsenal, lakiin waxaan ixtiraam weyn u hayaa ninka haatan hogaaminayo”.

Henry wuxuu ahaa tababaraha kooxda da’ayarta ee Arsenal ka hor inta aysan isku qabsan isaga Wenger  inuu kala doorto shaqada falaqeeyaha iyo tan tababarka, taasoo ugu dambeyn halyeeyga reer France ku qasab tahay inuu isaga dhaqaaqo Gunners, wuxuuna noqday ku xigeenka tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez.

Halyayga xulka qaranka France ayaa ka mid ah xulashooyinka soo bixi doona ee noqon kara badelka tababare Arsene Wenger ee kooxda Arsenal, waxaana loolankan ku wehliya macalimiinta kala ah Joachim Low, sidoo kale macalinkii hore kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel iyo Massimiliano Alegre.