Ciidanka Tigreega ayaa madaafiic gantaalo ah ku soo garaacay magaalooyinka Gondar iyo Baxardaar oo ku yaalla maamulka Amxaarada.
Khasaare kala duwan ayaa dhashay weerarkaasi, waxaana tigreeda ay sheegtay in ay kaga jawaabeyso weerarada dowladda dhexe.
Ciidanka Itoobiya ayaa hadda la xaqiijiyey in ay 5 aag kaga wajahan yihiin magaalada Makele ee xarunta Ismaamulka Tigree-ga, waana bilow maalmo adag oo dagaal.
Milateriga Itoobiya ayaa laga soo xigtay in uu xalay bilowday qeybta 2aad ee howlgalka soo celinta Midnimada Itoobiya, waxaana ay kuwajahan yihiin ciidamadu sida la sheegay deegaanada Adigrat, AbiyAdi, Ambalage, Gijet dhammaan waa saldhigyo adag oo aysan TPLF waxba uma dambeyn haddii laga qabsado.