Tirada Muslimiinta Ka Tirsan Kongareeska Maraykanka Oo Sii Kordhaysa

Sida laga warqabo Doorashadii Xilliga Dhexe ee Maraykanka waxaa guul weyn  gaaray Xisbiga Democratic oo awood badan ku yeelan doona Kongareeska dalkaasi.

Murashixiinta Muslimiinta Maraykanka ayaa guul ka gaaray Tartankii Xildhihaanimo ee Kongareeska, iyadoo 2 Murashax oo gabdho ku guuleysteen inay ka mid noqdaan Aqalka Kongareeeska.

  1. Labada gabdhood oo asal ahaan ka soo kala jeeda Somalia iyo Falastiin ayaa lagu kala magacaabaa Ilhan Omar oo laga soo doortay Minnesota iyo Rashida Taliba oo laga soo doortay Gobalka Detriot.