Tiro huubiye yaal oo lagu Weeraray Xalane

Weerar  loo adeegsaday hoobiyeyaal ayaa  mar kale waxaa lala beegsaday nawaaxiga saldhigga Xalane ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan meel u show xerada Xalane ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa qaraxyo la aaminsanyahay inay yihiin hoobiyeyaal.

Ilaa hadda waxaan la ogeyn haddii uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaan.

Waa markii labaad ee muddo 2 todobaad gudahood ah ee hoobiyeyaal lala beegsado xerada Xalane.

Xalane ayaa waxa ay saldhig u tahay ciidamada AMISOM, hay’adaha QM ee Soomaaliya ka howlgala, iyo safaarado dhowr ah.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta mas’uuliyadda hoobiyeyaasha lagu weeraro Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha.