Toogasho ka dhacday Magaalada Liege

Nin ayaa toogasho ku dilay laba askari oo bilays ah iyo qof kale  magaalada Liege ee dalka Bilguim sidda ay sheegeen ciidamada Booliska.

Ciidamada Booliska waxa ay sheegeen in nin hubeysan uu weerar ku qaaday Ciidamo Boolis ah iyo dad Shacab ah ka dib uu is dilay.

Laba askari oo kale oo bilays ah ayaa la dhaawacay, ninka ayaa  sidoo kale waxaa la haystay in uu haweenay afduubtay, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Belgium.

Belgium ayaa weli heegan sare ku jira ka dib weerarradii 2016-kii lagu soo oogay kooxda Daacish  ee 32 qof lagu dilay.