Toogasho ka dhacday Muqdisho

Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa.

Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Wadada Isgoyska Suuqa Bakaaraha, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Sidda ay inoo xaqiijiyeen  dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa dadka ka shaqeysta Basteejadda Isgoyska Bakaaraha ee baabuurta rara.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Dhanka kale Ciidamada Booliska ayaa  toogtay nin burcad ah,kaasoo lacag ka qaadaayay dadka Shacabka ah ee kunool degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa Risaala u sheegay ninkaasi uu diiday in uu isdhiibo, islamarkaana Ciidamada ay toogteen.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan.