Toogasho Kadhacday Muqdisho

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay hawlgal ay ka sameeyeen xaafada Black Sea ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin ku hubeysnaa qori AK-47 ah.

Toogashada ninkan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii uu telefoonada ka soo dhacay shacab ku sugnaa xaafada Black Sea, intaasi kadib ciidamada ammaanka oo ku baxay ayaa ku guuleystay inay toogtaan.

Ninkan ayaa kahor inta aan la toogan wuxuu la dagaalamay ciidamada ammaanka, maadaama uu hubeysnaa, ugu dambeyn ayaa waxaa suuragashay in la dilo.

Ma jirin cid kale oo khasaare uu ka soo gaaray hawlgalka ninkan burcadka ah lagu dilay, sida ay warbaahinta u sheheen hay’adaha amanka.

Sawirro laga soo qaaday ninka la dilay ayaa waxa ay muujinayeen inuu ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda gaar ahaan dareeska ay xirtaan guutada 14-ka October, wuxuuna watay mooto Bajaaj.

Dadweyne fara badan ayaa isugu yimid goobta ay toogashada ka dhacday, waxayna ciidamada ammaanka uga mahadceliyeen sida ay uga jawaabeen cabashadooda, iyaga oo balan qaaday inay xoojin doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada dowladda.

Magaalada Muqdisho maalmahan dambe waxaa ku kordhay dhaca hubeysan ee ay geysanayaan burcada, mararka qaar ayaa waxaa dhacda in qof shacab ah ay nafta dhaafiyaan, marka uu diido inay ka qaataan hantidiisa.