Trump oo u hanjabay dalka Mexico

Donald Trump  Madaxweynaha Mareykanka, ayaa ku hanjabay inuu xiri doona xadka Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico, sidoo kale na uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dalkiisa kala dhaxeeya Mexico, haddii qulqulka muhaajiriinta ka soo jeeda bartamaha Amerika ay horseedo kala dambeyn la’aan.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ku amray ciidamada Mareykanka ee jooga xadka Mexico inay adeegsadaan xoog, haddii loo baahdo.

Dowladda Mareykanka ayaa maalintii isniinti bilawday inay ka arrinsato sidii bara kontorool loogu sameyn lahaa qulqulka muhaajiriinta.

” Waxaa aanu xiri doona waa dhamaan xuduudaha Mexico uma suurtagaleyso inay baabuurtooda u iib geeyan Mareykanka ” waxaa sidaasi weriyeyaasha u sheegay Trump.

Kumanaan muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka bartamaha Amerika oo soo safray masaafo dhan 4 kun oo kiloomitir ayaa ku sugan xadka Mareykanka uu la wadaago wadanka Mexico.