Dowladda Turkey ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen in ay wsii wadaan wada-hadallada shalay ka dhacay Ankara ee aysan wax natiijo la taaban karo ah ka soo bixin.
Wada-hadallada ayaa si aan toos aheyn u dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda labada dal Axmed Macallin iyo Taye Atske Selassie.
Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Ethiopia ay ka noqoto MoU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan.”
Fidan ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada ay isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda, loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka.
Wasiirada ayaa isku raacay in ay ku kulmaan Ankara 2-da September 2024 si ay u yeeshaan wareeg labaad oo wadahadal ah, sida uu sheegay Fidan.