Dowladda Turkey ayaa si rasmi ah u beenisay wararka iyo eedeymaha sheegaya inay faragelin ku hayso arrimaha siyaasadda gudaha iyo doorashooyinka Somalia.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan iskaashi, walaaltinimo iyo taageero dhinacyo badan leh, islamarkaana aysan jirin wax faragelin ah oo ay ku sameynayaan hanaanka siyaasadeed ama doorashooyinka dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu xusay in Ankara ay markasta garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo. Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay inay ixtiraamayso madax-bannaanida iyo go’aannada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay isa soo tarayaan doodaha la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka, iyadoo dhinacyo kala duwan ay aragtiyo ka muujinayaan saameynta ay dowladaha shisheeye ku leeyihiin arrimaha gudaha Soomaaliya.
Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn ula shaqeeya Soomaaliya, waxaana labada dal ka dhexeeya xiriir dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo mashaariicda horumarinta. Dowladda Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka fulisay Soomaaliya mashaariic waaweyn oo lagu taageerayo dib u dhiska iyo horumarka dalka.