Turkiga Oo Kahor yimid Qorshe Uu Wado Mareykanku

Madaxweyne Erdogan oo maanta ka hadlay  Xildhibaanadda Xisbiga haya talada dalkaasi ee AK Party  ayaa sheegay inay Madaxda Maraykanka sheegeen waxyaabo kala duwan, wuxuuna  si gaar ah ugu eedeeyey La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton inuu galay Qalad khatar ah.

“Maleeshiyaadka YPG iyo PKK marnaba ma matali karaan dadka Kurdishka” ayuu yiri Madaxweyne Erdogon, wuxuuna  Dowladda Maraykanka ugu baaqay inay soo wareejiyaan Saldhigyadooda ku yaalla gudaha Syria.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Diiddankiisa diyaar u yihiin inay gudaha u galaan dalka Syria, wuxuuna ugu baaqay Maraykanka inay ka dhabeeyaan inay ka baxaan magaalladda Manbij ee dalka Syria.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu hakiyey Kulan uu galabta la yeelan lahaa La-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka, John Bolton, wuxuuna taasi bedelkeeda  sheegay inuu Boltan la kulmi doonaa dhigiisa dalka Turkiga, Ibrahim Kalin, iyo Saraakiisha kale ee joogta Qasriga Madaxtooyadda Turkiga