Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay maraakiib ciidan u soo dirayso biyaha Somalia si ay uga qayb qaataan ilaalinta amniga badda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhici kara xeebaha dalka. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay iskaashiga difaac iyo amni ee sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga Zeki Aktürk ayaa sheegay in Turkigu u dirayo Soomaaliya afar markab oo ka tirsan ciidanka badda, kuwaas oo loogu talagalay inay ilaaliyaan biyaha Soomaaliya, kana hortagaan falal ay ka mid yihiin burcad-badeednimo, kalluumaysi sharci darro ah iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah amniga badda.
Maraakiibta la qorsheeyay inay yimaadaan Soomaaliya ayaa kala ah: TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş. Maraakiibtan ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan Soomaaliya 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan maalinta Isniinta ee toddobaadka soo socda.
Ujeeddada ugu weyn ee loo soo dirayo maraakiibtan ayaa ah inay ka qayb qaataan sugidda amniga badda Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta maraakiibta ganacsiga, ka hortagga burcad-badeednimada iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira badda Soomaaliya. Sidoo kale waxay ka shaqayn doonaan la shaqaynta hay’adaha amniga ee Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda ilaalinta xeebaha dalka.
Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiisyada iskaashi ee dhowaan dhexmaray Turkey iyo Somalia, kuwaas oo diiradda saaraya difaaca, tababarka ciidamada iyo horumarinta awoodda badda Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa horey uga qayb qaadatay tababarka ciidamada Soomaaliya iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabeyaasha.
Imaanshaha maraakiibtan ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan xoojinta ammaanka badda Soomaaliya iyo ilaalinta danaha dhaqaale ee dalka, gaar ahaan xilligan oo ay sii kordhayaan dadaallada lagu ilaalinayo khayraadka badda iyo suuqyada ganacsiga ee maraakiibta caalamiga ah.