Turkiga Oo Sheegay in imaaradka Ay taageran Alshabaab

War kasoo baxay Dowladda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay taageerto Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Warbaahinta Dowladda Turkiga oo soo xiganeysay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay s sidoo kale ay xasilooni darro ka wado dalalka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo Geeska Afrika,

Sidoo kale Turkiga ayaa sheegay in taageerida Dowladda Imaaraadka Carabta ee Kooxaha loogu yeeray Argagaxisada dunidu ay ogtahay arrinkaasi.

Turkiga ma shaacin sida Imaaraadka Carabta ay taageerada u siiso Ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ay dowlado Shisheeye ku eedeysay qarixii khasaaraha badan geystay oo 28-kii Bishii December ka dhacay Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.