Turkiga oo war ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyada labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Axadii ina dhaaftay xiili barqo ah waxaa qarax gaari oo uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, sidoo kale gelinkii dambe ee isla maalinkaas waxaa Ismiidaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab uu beegsaday Kontoroolka Sayidka.

Shalay oo Isniin aheyd qarax waxaa gaari Kaarib ahaa qarax lagula eegtay xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, halkaasi waxaa ku geryooday Guddoomiye laameed ka tirsanaa degmada, iyada oo ay ku dhaawacmeen laba qof oo midi uu ahaa qof shacab ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray qoysaska dadkii ku naf waayay qaraxyadaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Turkiga ayaa sheegay in dhammaan weeraradaas ay ahaayeen kuwo ficilo xun oo ururka Al-shabaab ujeedka ay ka leeyihiin uu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku niyad jabiyaan.

“Marka la eego weerarrada Argagixisada ee dhawaan, Turkiga wuxuu sii wadi doonaa adkaysiga xooggan ee Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, si loola dagaalamo Argagaxisada,” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Turkiga.

Sida muuqata waxaa kordhay qaraxyada iyo dilalka ururka Al-shabaab ay ka geysanayaan gudaha magaalada Muqdisho, Dowladda Federaalka weli jawaab kama aysan bixin falalkan ka baxsan amniga ee magaalada ka dhacaya, waxaana lagu eedeynayaa in ay ku mashquulsan tahay Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari).