Turkiga oo xarun lagu xanaaneeyo agoonta ka hirgeliyay Muqdisho

Hay’adda Istanbul-based Humanitarian Relief Foundation (IHH) oo uu fadhigeedu yahay magaalada Istambuul ee dalka Turkiga ayaa soo gaba-gabeysay dhismaha xarun lagu xannaaneeyo agoonta oo laga hir-geliyay magaalada Muqdisho.

Xaruntan oo Hoy u noqon doonta 120 carruur ah ayaa waxaa ka faa’iideysan doonta qaar ka mid ah carruurtii ku agoontowday dagaal ay dowladda Turkiga la gashay Jabhadda PKK Sanaddii 2017-kii, sida uu wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay madaxa hay’adda IHH, Zuhtu Kalma.

Warkan oo lagu daabacay Bogga Wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaanan lagu caddeeyn tirada Caruurta Soomaaliyeed ee ka faa’iideysan doonta xaruntan oo si casri ah loo dhisay.

Hay’adda dhallaanka adduunka ee UNICEF ayaa ku qiyaastay carruurta agoonta ah ee dunida daafaheeda ku nool inay gaarayaan 400 Milyan, kuwaas oo u baahan in la caawiyo.