Dowladda Turkiye ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay safarro aan muhiim ahayn ku tagaan dalka Ciraaq, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee gobolka. Digniintan ayaa la xiriirta xiisadda militari ee sii kordheysa ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Iran, Israel iyo Mareykanka.
Bayaan ay soo saartay safaaradda Turkiye ee Baghdad ayaa muwaadiniinta uga digtay inay ka fogaadaan meelaha ay dadka ku badan yihiin, gaar ahaan Green Zone-ka magaalada Baghdad, garoomada diyaaradaha ee Baghdad iyo Erbil, iyo goobaha u dhow saldhigyada militari iyo xarumaha shidaalka.
Digniinta ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli weerarro ka dhacay gudaha Ciraaq lagu beegsaday goobaha la xiriira Mareykanka iyo kaabayaasha muhiimka ah. Dhanka kale, Mareykanka iyo Israel ayaa weerarro ku qaaday goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha la xulafo ah Iran.
Mas’uuliyiinta Turkiye ayaa xaqiijiyay in inkastoo xaaladda amni ay kacsan tahay, xadka dhulka ee u dhexeeya Turkiye iyo Ciraaq uu weli furan yahay.

