UAE iyo QM oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

Muqdisho-gnnFM- Magaalada Muqdisho ee caasimadda waxaa kulan ku yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Axmed iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Howlaha Kaalmaynta QM ee Soomaaliya Michael Keating.

Kulankan oo si gaar ah uga dhacay Safaaradda Imaaradaadka uu ku leeyahay Muqdisho ayaa waxaa looga wada xaajooday xiriirka ka dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Xafiiska QM ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalada wadajirka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa shaqo abuurka loo sameynayo dhalalnyarada Soomaaliyeed, ammaanka dalka, xasiloonida, Horumarka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadanimo.

Keating ayaa ammaanay dadaalka Imaaraadka Carabta, taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyo kaalinteeda ugu weyn ee horumarinta dalka.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan booqashadiisa isagoo muujiyay sida uu u xoojiyay xiriirka iskaashiga ah ee u dhaxeeya Safaaradda Imaaraadka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey oo qayb ka ah dadaalada lagu bixinayo taageerada dheeraadka ah.

Wakaaladda (WAM) ee Imaaraadka oo warkan qortay ayaa ugu dambeyn sheegtay dhinacyadan in ay ku heshiiyeen sidii loo kordhin lahaa taageerada Qaramada Midoobay iyo Imaaraadka ay siiyaan Soomaaliya, si loo gaaro horumaro kala duwan