UK oo sheegtay in qataro ammaan ay ka jiraan xeebaha Soomaaliya

Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka dalka Ingiriiska ayaa mar kale ku celiyay digniinta Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi uu ka siinayo safarkooda dhinaca amniga ee dalka Soomaaliya, marka laga reebo dadka doonaya inay u safraan Hargeysa iyo Berbera oo loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah galaan.

Dadka ku sugan degaanada Somaliland, ayaa Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka UK wuxuu ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha dadweynaha ku kulmaan, maadaama ay sheegeen inay jiraan xogo dhanka ammaanka ah oo ay heleen.

Warbixinta xafiiska arrimaha dibadda UK, ayaa lagu sheegay in kooxaha ka dagaalama Soomaaliya gaar ahaan Al Shabaab ay qorsheynayaan inay weeraro qatar ah geystaan, sidoo kalana ay jirto cabsi ah in Afduub loo geysto dadka reer Galbeedka ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen kuwo halis ah, sidoo kalana la qorsheynayo weeraro ka dhan ah reer Galbeedka oo laga geysto meelo ka baxsan magaalada Muqdisho.

Cabsida kale ee jirta ayaa ah in weeraro ay ka dhacaan dhanka badda iyo biyaha caalamiga ah ee Soomaaliya, taasi oo keentay in muwaadiniinta UK la siiyo digniin amaan oo soo korortay.