Tababare Unai Emery ayaaa ogolaaday inuu noqdo tababaraha badala Arsene Wenger sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska, 22-sano kadib waqtiyada waxaa la magacaabi doonaa tababare kale oo ay Arsenal yeelato.
46-jirkaan reer Spain ayaa soo dhameeyay waqtigiisa Paris Saint Germain isagoo muddo laba sano ah u qaaday laba horyaal iyo sidoo kale afar koob oo kale maxali ah kuwaas oo laga ciyaaro dalka faransiiska.
Unai Emery wuxuu u sahlay Sevilla iney ku guuleysato koobka UEFA Europa League saddex sano oo xiriri ah, wuxuuna doorka shaqada Gunners kaga hormaray kabtankii hore kooxda Mikel Arteta.
Shalay ayey aheyd markii bartiisa twitter-ka & website-kiisa gaarka ah lasoo galiyay sawir la dhinac dhigay calaamadda Gunners laguna qoray: “Waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo qoyska Arsenal”
Muddo kadib waa laga saaray, Unai Emery ayaana la rajeynayaa sidey warbixinada qaar sheegayaanin lagu dhawaaqo maanta oo Arbaco ah.
Unai wuxuu saxiixi doonaa heshiis afar sano ah isagoo sanadkii qaadan doona aduun dhan 6 Malyan oo Pound.