Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo xaflad ku qabtay Muqdisho+sawiro

Ururka bisha cas ayaa xaflada sanadlaha ah ee looga hadlo maalinta laanqeyraha cas iyo bilaha cas ee caalamiga ah 8 May ku qabtay xaruntooda dhexe ee Magaalada Muqdisho, inta ay xaflada socotay ayaa looga hadlay taariikhaha ay leeyihiin bilaha cas ee caalamka iyo laankheyraha cas. Waxaa kaloo looga hadlay taariikhda dahabiga ah ee uu leeyahay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed

Munaasabad ayaa waxaa kaloo looga hadlaayay Waxqabadka Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed , waxaana Munaasabadaasi soo qaban qaabiyay Xafiiska isku duwidda ee Ururkaasi.

Waxaa kasoo qeyb galay Munaasabaddaan Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacaddaha Muqdisho, Odayaal, Shaqaalaha Ururka, Amiin Ambulance, Bahweynta Saxaafada Odayaal dhaqameed, noocyada kala duwan ee bulshada soomaaliyeed iyo Marti Sharaf kale.

Max’ed Axmed Max’ed oo loo yaqaan Prof. Cadale oo ah Agaasimaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu yahay Urur heer Qaran ah ,islamarkaana digreeto Madaxweyne kusoo baxay Sanadkii 1963-dii.

Prof Cadale ayaa ku dheeraaday taariikhda Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed isagoo sheegay in uu ururku yeeshay ilaa iyo hada saddex madaxeyne oo kala ahaa, AUN Raysalwasaarihii Soomaaliya ugu horeeyay, Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, Col. Ahmed Food Cade iyo Madaxweynaha Hada Haya ee Yusuf Xasan oo loo yaqaan Yuusuf Yare. Prof Adale ayaa sheegay in Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu u adeego Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka taagta daran ee u baahan in la caawiyo.

Waxaa uu tilmaamay in Shaqooyinka ugu badan ee ay qabteen ay yihiin howlaha Caafimaadka , isagoona xusay in ay gargaar Caafimaad gaarsiiyaan dadka kunool meelaha aysan dowladda iyo Hay’adaha kale tagi karin.

Prof. Max’ed Axmed Cadale,  Agaasimaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ururka uu kusoo shaqeeyay Marxalad adag Xilliyadii Burburka ,islamarkaana ay sii wadi doonaan Shaqooyinka ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa Bixiya adeeg u badan Caafimaad, iyo mid baafin taasoo ay isku heleen qooysas badan oo Soomaaliyeed oo kala irdhoobay xilliyadii colaadaha.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa u soo dhabar adaygay in uu u adeego bulshada soomaaliyeed teeda taagta daran xilliyadii adkaa ee dalka soo maray.