Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in la taageero Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii iyo Qaraxyadii shalay ka dhacay Otto Otto oo ah xarunta ay ku degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Dr. Al-Othaimeen ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha iyo xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ururka OIC ay si weyn uga naxeen Weerarkaasi,islamarkaana taageero buuxda ay siin doonaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu uu ugu baaqay beesha caalamka  iyo wadamada gobolka in ay taageero dheeraad ah siiyaan Soomaaliya ayna xoojiyaan xiriirka wadankan si ay u cirib tiraan khatarta Al-Shabaab ay u geysaneyso nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya.