Ururka Iskaashiga Islaamka oo war kasoo saartay Qaraxyadii Muqdisho

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay OIC in Xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay dardargeliso dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Xoghayaha guud OIC Dr. Yusuf Al-Othaimeen ayaa sheegay in Ururka OIC oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay in ay sii laba jibaari doonaan taageeradda ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo caawin lahaa dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho, islamarkaana ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayeysan.

Inta la xaqiijiyay 29 qof ayaa ku dhintay weeraro iyo qaraxyo is xigxigay oo habeen hore ka dhacay Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray rayid, askar ka tirsan dawladda iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab.