Ururka Shabaab Oo sheegay in La wareegeen Degaan ka dirsan G/gedo

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degaan lagu magacaabo Geedweyne oo ku yaalla duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Idaacadda Shabaab ee Andalus ayaa baahisay in xoogaga Al Shabaab ay gudaha u galeen degaanka iyaga oo aanan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay la hadleen dadka degaanka, iyada oo hada xaalada degaanka ay tahay mid degan.

Ilo wareedyo soo xiganaya dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Geedweyne ay isaga baxeen ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa, kahor inta Shabaab aysan gudaha u gelin degaanka, maadaama ay ka war hayeen in weerar lagu soo yahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro, kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha degaanka.

Marka laga soo tago sheegashada Shabaab ee ah inay la wareegeen Geedweyne, ma jirto ilo dhanka saraakiisha maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah oo xaqiijinaya warka Shabaab.

Degaanka Geedweyne ayaa ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Dooloow ee ku dhaw xadka kala qeybiya dalalka Kenya iyo Soomaaliya, halkaasi waxaa saldhig Millatari ku leh ciidanka Jubbaland.