“Waa Been”, -Jose Mourinho Oo Iska Beri Yeelay Iibinta Mohamed Salah Isaga Oo Ka Faalooday Sida Ay Wax U Dheceen Iyo Cidda Leh Mas’uuliyadda In Chelsea Laga Diro

Jose Mourinho waxa uu si carro leh uga jawaabay wararka sheegay in uu Chelsea ku amrayin ay iibiyaan Mohamed Salah, badalkeeda waxa uu eedda ku reebay Blues.

Ninka isku magacaabay ‘Special One’ waxa uu Salah bishii Janaayo 2014 kooxda Basel balse amaah ayuu ugu diiray Fiorentina sanad kaddib.

Mourinho waxyar kaddib waxaa laga eryey shaqada halka Chelsea ay Salah ka iibisay Roma 2016.

Waxa uu hadda ku soo laabtay Premier League isaga oo ku naaloonaya ol’ole cajiib ah, 43 gool ayuu Liverpool dhammaan tartamada u dhaliyey halka uu ku guuleystay PFA Player Of The Year.

“Dadku waxa ay yiraahdaan aniga ayuu ahaa qofka iibiyey Salah waana cagsigeeda,” ayuu Mourinho u sheegay ESPN. “Waan soo iibsaday Salah.

“Laakiin asaga oo wiil yar ah ayuu yimi, jir ahaan diyaar ma ahayn, maskaxiyan diyaar ma ahayn, bulsho ahaan iyo dhaqan ahaan wuu lumay oo wax walba wey ku adkaayeen.

“Waxaan go’aansanay in aan amaah u dirno oo isaga xataa wuu codsaday. Waxa uu doonayey in uu dheelo daqiiqado badan, oo soo qaan gaadho, waxa uu rabay in uu tago waxaana amaah ugu dirnay Fiorentina, waxa uu bilaabay in uu qaan gaadho.

“Cheslea waxa ay go’aansatay in ay iibiso, Hagaag? Marka la weydiiyo waxa ay dhahaan aniga ayuu aaa qofka iibiyey waa been. Waan soo iibsaday. Waan ogolaaday in amaah loo diro, waxaan qabay in ay ahayd muhiim.”