Waa Kuwee 20-ka Ciyaartoy Ee Ugu Safashada Badan Qaramada Kubadda Cagta Xilli Sergio Ramos Uu Xalay Kusoo Biiray Liiska.

Kabtanka Spain Sergio Ramo ayaa kusoo biiray liiska ciyaartoyda ugu safashada badan qarankooda, wuxuuna guud ahaan ciyaartoyda caalamka kasoo galay kaalinta 20-aad kadib markii uu 150-ciyaarood matalay La Roja.

Sergio Ramos ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay qaranka La Roja 26-kii Maarso 2005 kulan ay guul ka gaareen China, wuxuu noqday xidigii ugu da’da yaraa ee qarankiisa kaoo muuqda 55-kii sano ee ka horeysay, balse rikoorkaas waxaa jabiyay Cesc Fabregas kaas oo ka hortagay Ivory Coast.

Liiskaan waxaa kasoo muuqday ciyaartoy ay ka mid yahiin Buffon iyo Casillas, sidoo kalana waxaa u badan ciyaartoyda kasoo jeeda qaaradda Asia, kuwaas oo wadamadooda kulamada ugu badan u saftay.

LIISKA 20-KA XIDIG EE UGU SAFASHADA BADAN

 1. Ahmed Hassan (Egypt) 184 kulan

2. Mohamed Al-Deayea (Saudi Arabia) 178 kulan

3. Claudio Suarez (Mexico) 177 kulan

4. Buffon (Italy) 175 kulan

5. Hossam Hassan (Egypt) 169 kulan

6. Ivan Hurtado (Ecuador) 168 kulan

7. Casillas (Spain) 167 kulan

= Vitlijs Astafjevs (Latvia) 167 kulan

9. Cobi Jones (United States) 164 kulan

10. Adnan Al-Talyani (UAE) 161 kulan

11. Bader Al-Mutawa (Kuwait) 158 kulan

12. Martin Reim (Estonia) 157 kulan

= Landon Donovan (United States) 157 kulan

14. Sami Al-Jaber (Saudi Arabia) 156 kulan

= Essam El-Hadary (Egypt) 156 kulan

16. Salman Isa (Bahrain) 153 kulan

= Ahmed Mubarak (Oman) 153 kulan

18. Yasuhito Endo (Japan) 152 kulan

19. Javad Nekounam (Iran) 151 kulan

20. Sergio Ramos (Spain) 150 kulan

= Lothar Matthaus (Germany) 150 kulan