Waa sidee rikoorka Sanchez kulamada uu wajahay Chelsea ka hor kulanka Axada

Weeraryahanka cusub ee Manchester United Alexis Sanchez ayaa laga yaabaa markii ugu horeysay inuu wajaho Chelsea isagoo xiran maaliyadda Red Devils marka ay Axadda ku wada ciyaaraan Old Trafford.

Xidigaan wuxuu kasoo muuqday kulanka London Derby dhawr jeer, balse wax badan guulo kama gaarin kooxda ka dhisan galbeedka London, kaliya 2-jeer ayuu ka guul helay isagoo wajahay 12-jeer.

RIKOORKA ALEXIS SANCHEZ EE CHELSEA:

Kulamada: 12-kulan

Guulaha: 2-kulan

barbaraha: 5-kulan

guuldarada: 5-kulan

Goolasha: 2-gool

Caawinta: 1-gool