Waxaa saaka degan xaaladda degmooyinka Walanweyn iyo Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo shalay dagaalo khasaaro geystay uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.
Dagaalka koowaad ee ka dhacay degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa Saddex Ruux halka in ka badan ay ku dhaawacmeen, hayeeshee aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka degmada Baraawe.
Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in la filayo in dagaallada ka kala dhacay degmooyinka Walanweyn iyo Baraawe ay ku bixi doonaan mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, si ay xaaladda u dejiyaam.
Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhacay dagaal Beeleedyo xoogan, sida degmooyinka Diinsoor, Walanweyn iyo Baraawe.