Waare Ciidamo tababar ugu Soo Xiray Jowhar

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta waxaa Magalada Jowhar ee Xarunta G/Shabellaha Dhexe uu tababar ugu soo xiray Boqolaal Askari oo ka mid noqon doona Booliska Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha ayaa waxaa Munaaadabadda Soo xeritaanka Tababarka ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Hirshabelle  Cabdi Xuseen  Geeddi , Wasiirka Amniga Hirshabelle Cabduqaadir Aadan Jeelle, Saraakiil katirsan Booliiska, Amisom ,Hirshabele iyo Masuuliyinta katirsan Labada Golle eeHirshabelle

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa kula dardaarmay ciidamada tababarka loo soo xiray inay ka qeyb qaataan sugida Amniga deegaannada Hir-Shabelle,isla markaana ay ka faa’iideystaan waxyaabihii la soo baray.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Hir-Shabelle ka go’an tahay dhisida Ciidamo Boolis ah oo u diyaarsan sidii ay u xaqiijin lahaayeen Amniga degmooyinka kala duwan ee Maamulka Hir-Shabeelle.