Waare Hir-Shabeelle oo ku baaqay in la xoojiyo wada-hadallada Somaliland

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Munaasabadda 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbiga gobolada Waqooyiga, oo maalintaa Ka xoroobay Gumeystihii Ingiriiska, taasi oo iminka laga joogo 60 sano, isagoo xusay in maalintani umadda Soomaaliyeed ay u tahay Maalin weyn oo xusuus mudan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaaneyso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba, ayna muhiim tahay In mar walbo la xusuusto Dadaalka laga soo maray Xoriyada maanta aan heysano taasi uu sheegay Madaxweynaha In Naf iyo Maal lagu bixiyay Oo dad Soomaaliyeed ay Dhiigooda u horeen Xoriyada Soomaaliya.

“Hambalyo hambalyo hambalyo ayaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbiga Gobolada Woqooyi Sanad Guurada 60-aad xoriyada dalka ee 26 Juun, maalintaas waxay i noo eheyd waa noo baryay oo aan dareenay Neecaaw xoriyadeed, oo ku timid dad Soomaaliyeed oo dhiig iyo dheecaan u huray Xoriyadeena, waxaana alla uga baryayaa Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee Gobonimo doonka ahaa in naxariistii Jano uu ka waraabiyo” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xusay in muhiim ay u tahay dadka Soomaaliyeed Midnimadeena iyo Wadajirkeena, waxaana Walaalaha Gobolada Woqooyi ee Somaliland uu ugu baaqay iyagoo fiirinaya Halganka Xoriyada wadankeena laga soo maray In ay u tanaasulaan muhiimada Midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, waxaana dhinaca kale Madaxweynaha uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay sii laba jibaarto wadahadalada Somaliland islamarkaana xal loo helo Tabashada Walaalaheen Gobolada Woqooyi.

Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa Hamablyada 27 Juune u diray shacbiga Iyo Dowladda Walaalaha aan nahay Ee Hiil Walaal Jibuuti oo uu ugu Horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Cumar maalintaasi oo ah maalinta Xoriyada Dalkaasi islamarkaana ay ka xoroobeen Gumeystihii Faransiiska.