Waare Oo Kahadlay Caqabadaha Heysta Maamulkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markale shaaciyey caqabadaha heysta Maamulkiisa oo dib u dhigay Shaqooyinkii looga baahnaa.

Waare ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle caqabada koobaad ay heysata ay tahay dhinaca amniga,isla markaana deegaano badan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhinaca amniga.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in Wadooyin ka mid ah deegaano ka tirsan Maamulkiisa ay yihiin kuwo xiran,isla markaana tira ka dhowr jeer  looga hadlay sidii loo furi lahaa shirar ka dhacay Magaalooyinka Adis Ababa iyo Nairobi ee dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay isu tashadan,waxaana uu sheegay in bilaha soo socda Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo AMISOM ay siwadajir ah u furi doonan wadooyinka u go’doonsan Al-Shabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa mararka qaar weeraro ka geysta Al-Shabaab,iyada oo laga go’ay in la maro wadada isku-xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeelleaha Dhexe oo ay Ururka Shabaab weerar ka geystaan.