Waare Oo Ku Soo Wajahan Dheesa-mareeb

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Isniin ah la filayaa in uu u ambabaxo  Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Markii uu tago Dhuusamareeb ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo maalmahaan ku sugan Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada hadli doono arrimo dhowr ah.

Wararka qaar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Waare uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadli doono in uu yimaado deegaanada Hir-Shabeelle,waxaana sidoo kale wararka la helayo ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u yeeray Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magalada Baladweyne,isaga oo halkaasi u tegay khilaaf sabab u ahaa xilka qaadistii uu ku sameeyay guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo diiday xilka qaadistaas wallow sabtidii uu ugu dambeyn xilkii wareejiyay.