Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo inay tagaan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweyne Waare oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle ayaa haatan ku sugan Magaalada Jowhar,waxaana qabana qaabada soo dhaweyntooda ay ka socotaa Magaalada Beledweyne.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Waare iyo Xubnaha labada Gole ay kormeer ku tegi doonaan Goobaha Guddiga gurmadka iyo Maamulka degmada ay ka wadaan xeritaanka si looga hortago fatahaad uu sameeyo Wabiga.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jirta xaalad cabsi ah oo ku aadan fatahaad xoogan uu sameeyo wabiga Shabeelle,waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan.