Waare oo xildhibaanada ugu baaqay inay dhiirageliyaan ciidamada dowlada

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu sheegay inay socdaan dhaq dhaqaaqyo Millatari oo lagu furayo wadooyinka u dhaxeeya degaanada Hirshabeelle iyo magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay xildhibaanada Hirshabeelle oo galay fasax in looga baahan yahay inay kormeer ku tagaan degaanada Hirshabeelle, si door weyn ay uga qaataan islamarkaana u dhiirageliyaan ciidamada dagaalka kula jira Ururka Al Shabaab.

“Waxaa socda dhaq dhaqaaqyo Millatari oo lagu furayo wadooyinka u dhaxeeya degaanada Hirshabeelle iyo magaalada Muqdisho, xildhibaanada Hirshabeelle oo hada galay fasax waxaa looga baahan yahay inay dhiiragelin u sameeyaan, islamarkaana hormuud u noqdaan barnaamijka xasilinta”. ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahan dambe waxa ay kordhiyeen dagaalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab ee ka socda degaanada Hirahabeelle, waxaana ujeedka uu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ku sugan yihiin.