Wabiga Shabeelle oo Markale ku fatahay Xaafado hor leh Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle uu markale ku fatahay Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Baledweyne.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Wabiga ayaa hadda ku fatahay Xaafado hor leh oo horay aysan u sameyn Fatahaadii Baledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dayriyay Xaaladda Magaalada Beledweyne, waxaana ay sheegeen in maalinba maalinta ka dambeysa ay kasii dareyso Xaaladda Magaalada.

Dadkii kunoolaa Magaalada Beledweyne  ayaa horay uga barakacay Magaalada, waxaana ay ku sugan yihiin degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Xaaladda Magaaladda ayaa kasii dareysa maalinba maalinta ka dameysa, waxaana reer Beledweyne ay wajahayaan Fatahaado kale.