Wadahadalada u socda ONLF iyo Itoobiya oo galay Maalintii Afraad

Waxaa maalintii Afraad galay wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo Jabhadda ONLF iyo dowladda ee ka socda Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Labada dhinac, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro isfaham labada dhinac ah.

“Ma ahan markii ugu horreysay oo ONLF iyo Itoobiya ay wadahadalladan oo kale isugu yimaadaan, balse waxaan innagu go’aansanay in hab wadahadal ah lagu dhameeyo khilaafka muddada fog soo billowday,” ayuu yiri Hirmooge oo ah Afhayeenka ONLF.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhankiisa ayaa sheegay in doonaayo in wadahadal lagu dhameeyay Khilaafka Mudada soo taagnaa.

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deeganada Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.

Shirkan oo aan la ogeyn inta cisho ee uu qaadan doono, ayaa la filayaa in labada dhinac si adag u wada hadlaan, maadaama colaad muddo soo taagneyd ay ka dhaxeysay.