Wadooyinka Muqdisho oo laga buufinayo Caronavirus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa habeen walba waxaa ay shaacisaa warbixino la xiriira Coronavirus,iyada oo soo bandhigta dad horleh oo laga halay Cudurka kuwa u dhintay iyo kuwo ka Caafimaaday.