Wadooyinka Qaar Ee Magaalada Muqdisho Oo Dib Loo Furay

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa dib loo furay kadib saakay oo markale ay ciidamadu xireyn,waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay dib u fureen isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ammaanka ayaa furay Isgoysyadii xirnaa saakay ee loo diiday inay isticmaalaan dadka rayidka ah,iyada oo Maanta Muqdisho lagu qabtay Tartanka Orodka gaaban oo ay ka qeyb galayeen qar ka mid ah madaxda dowladda iyo Dhalinyaro.

Dadka shacabka ee isticmaala mootooyinka Bajaajta iyo Gaadiidka dadweynaha ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadooyinka Magaalada Muqdisho gudaheeda.

Inkastoo aanan si wayn aanan la isugu haleyn karin furnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay suuragal tahay in ciidamada ay xiraan saacado kadib ayaa haddana hadda si caadi ah u shaqeynayaan gaadiidka.