Wadooyinka Qaar ee Muqdisho oo Saaka xiran

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood.

Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan isgoysyadan inay isaga kala gudbaan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen sababta loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho in aysan garaneyn, balse taliyeyaashooda ay amar siiyeen.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan sababta wadooyinka loo xiray inay tahay in magaalada Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin wafdi ka socda Midowga Afrika, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.